Sidaynu wada ogsoonyahay dhalinyaradu waxa weeye laf dhabarka umadd kasta waana kaydka dhabta ah ee ay haysato, haboonna in si fiican looga faiidaysto, Mujtamac walbana Mustaqbalkiisu waxuu ku xidhanyahay dhalinyaradiisa, ummadii garata qiimaha dhalinyaradu leedahay si fiicanna u tarbiyadaysa dhalinyaradeedawaxay gaadhayaan guulo badan dhinac walba , laakiin umaddii iska dayacda dhalinyaradeedawaxa ku dhaca baaba’a iyo dabar go’a. Inta badan waxaynu taariikhda ku maqalnaa umada badan oo xadaarado lahaa laakiin xadaaradahoodiibaaba’een , taana waxa u sabab ah dhalinyaradii umadahaa ayaa garan waayay doorkoodii siina wadi kari waayay xadaaradahii iyo horumarkii ay umadahoodu haysteen, tusaale ahaan: xadaaradihii Romanka, Greece, Faraaciinta, China iyo India…IWM. wakhtiga qofku dhalinyarada yahay waxa weeye xiliguu uugu awooda badanyahay wax walbana inuu huro ay u fududahay, waxaanu leeyahay xamaasad iyo firfircooni uu wax walba ku qaban karo,markaa hadii si fiican loo towjiih...