Dh’alinyarda iyo doorka siyaasadda
Ugu horta dhalin’yartu waa hogaamiyaha bulshadani hibanayso iyo halyeyga dalkani u baahi qabo, muhiimad xoogan bay u tahay dal walba inuu yeesho da’yar fagaaraha siyaasada ka muuqda, qaybna ka ahaada masiirka ummadooda Dhalinyadu waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aadanaha ka mid ah, masiirka iyo meel marka bulsho tanaaday waxaa tiir dhaxaad u ah dhalinyaradood samataliska ah, haldoorkii hilaabtay ee halganka aynu hadhsanayno hiigsigiisa dhaliyay waxay ahaayeen dhaliyaro dareenka masuuliyadnimo damqayo, Halganka. Waxa qiraal ah in bulsho walba oo aduunka ka jirta mustaqbalka ay leeyihiin uu yahay dhalinyartodad togan, inta badan waxa lagu sifeeyaa “ madaxda berri” sida aan ka maqalnay waqtiyo badan siyaasiinteena si ay ugu juxaansadaan goobaha ay dhalinyarda kula kulmaan, dhadhansiga dhawaaqa erygani waa mid aan ku duxin dareenna ku samayn dhalinyarteena waqtiga dhallinyaranimo balse ay gole kaga kac iyo afgobaadsi siyaasi u fahmaan. Dhallintu waa muraayada...